PLAY PODCASTS
Somali Motivation podcast

Somali Motivation podcast

48 episodes

Ep 50TAWAKUL - Ramadan mini series

Mar 8, 202610 min

Ep 49SHAME- 3NOOC dhaqanka Ceebtu noloshaada u qaabeeyo.

Dhaqanka soomaliga ayaa aad u isticmaalaha kuna salaysan kalmada waa ceeb, dadku maxay odhan, sidee lagu arki, hana ceebayn, ha is ceebayn hadaba sidee ayay qofka noloshiisa u qaabaysaa arintani ilaa caruurnimo ilaa qaan gaadhnimo iyo nolosha danbeba. waa mowduuca maanta dhagayso fadlan rayigaaga na igula wadaag comments ka. mahadsanid. Istahil

Oct 5, 202521 min

Ep 48Forgive Yourself So You Can Move Forward - Naftaada cafi

Oct 22, 20249 min

Ep 47Why Marry a Narcissist? 5 Reasons Abuse Victims Stay

Why Marry a Narcissist? 5 Reasons Abuse Victims Stay.

Oct 4, 202429 min

Ep 46Resilience: Awooda kasoo kabashada caqabadaha ama guuldarada

Jan 23, 20248 min

Ep 4510 qaab oo aad ula tacaali kartoo depression ka iyo 10 sababood

Iskubuuqa waxa keena ama sababa arimmo aad u badna oo kala duwan sidoo kale waxa uu yimaadaa marar iyo xaalado kala duwan oo qaar la saadaalinkaro sida umasha kadib iyo marar kale markaa halkan maanta waxaan ku soo qaadanaynaa 10 qaab oo aad ula tacaali karto iyo 10 sababood.

Jan 16, 202417 min

Ep 445 shay oo laga qoomamoodo markuu wakhtigu ku dhaafo

Had iyo jeer waxaan ku mashquulanaa ama ahmiyada siinaa waxaabo hadii sanno kadib lagu waydiiyo farxaada iyo cida aad jeceshahay toona aan noloshooda iyo xidhiidhkiina ama wakhtigii aad wada qaadan lahaydeen wax saamayn ah ku reebin, hadaba shan tan shay ayaa ah kuwada dadku guud ahaan inta badan wakhtiga ay gaboobaan ama jaaninskoodii dhaafo ay ka qoomameeyaan.

Dec 19, 20237 min

Ep 435TA NOOC EE BAHDILKA & NOOCA UGU DANBEEYAY EE DIGITAL KA.

5 nooc oo ka mid ah bahdilka iyo xadgudubka kuwaan oo ku jiro kan ugu danbeeyay ee digital abuse ka. dhagaysi wacan.

Jul 30, 202314 min

Ep 42Personal development: Hore umarka qofku wuxuu sameeyaa cida ugu dhow!

Hadii aad noloshaada iyo naftaadaba isbadal ku samayso waxay saamayn ku yeelanaysaa toos ah hadba cida kugu dhow sida asxaabtaad ama qoyskaagaba, tusaale ahaan isbadalkaasi siyaabaha u asxaabtaada utaaban karo waxa weeye in ay kula jaan qaadi waayaan oo wiixi aad waadi jirteen sida fikradaha, madadaalada iyo dhamaan dhankasta oo nolosha aad iskaga xidhnaydeen aad kala xidhiidh furataan ama ay kula jaanqaadaan oo iyaguna hore umar tiigsadaan. Sidaa si lamid ah waxaad noqono kartaa in saxiibkaa hore umar ku talaabsado oo adigu aad noqoto cida laga gudbayo ee aan talabadaas la qaadi karin.

Jun 5, 20239 min

Ep 41Growing up toxic household - Identity lost, P.Pleasing and low esteem

Marka uu ilmuhu ku koro guri toxic ah xataa hadii aan isaga si toos ah waxba loogu geysan oo loo dhibaatayn hadana waxa soo gaadha waxyeelo aad u balaadhan haseyeeshee halkan waxaan ku soo qaadanaynaa uun saddex calaamadood oo ka mid ah dhibaatooyinka balaadhan ee soo gaadha kana muuqda marka uu ilmuhu waynaado.

Jun 1, 202312 min

Ep 409 qodob oo ilamaha ka ilaaliya Trauma da hadhow

Sagaalkan qodob maaha ku hubaal ilmahaaga noloshiisa mid saxar iyo dhib la'aan ah ka dhigi doono lakiin waa kuwo hubaal kordhin doona taya'ada noloshiisa.

Mar 3, 202315 min

Ep 39Why my Ex - Waayo uu Ex kaygu qofka cusub u siiyaa wixii aan anigu ka wayay

Episode kan waxaan kaga hadalaynaa waayo Ex aad kala tagteen uu ugu sameeyo wixii uu adigu ku samayn wayay qofka cusub, ama wax kasta oo aad adigu rabtay. waayo ay iyagoo ahaa kuwa xun isla markaan khaldanaa ay hadana ugu muuqdan kuwo nolol cusub oo farxad leh markiiba samaysta halka qofka daacada ahi ay mudo ku qaadato. malaha wax kastaa siday u muuqdan maaha.

Sep 26, 20229 min

Ep 38Fathia Absie

Fathia Absiye ayaa ka hadlaysa waxa dhiirigaliya, xasuusteedii ugu farxada badnayd ee caruurnimo, talo ay jeclaan lahayd in ay qaadan lahayd waahore iyo su'alo kale oo badhan. Mahadsanid dhagaysi wacan. Istahil

Jul 29, 202232 min

Ep 37Saxiibka Xaasidka Calamadihiisa - Toxic friends

Saaxiibka xun iyo qaar kooban oo ka mid ah calaamadihiisa si maalinle ah ama joogta ah u saameeya hab nololeedkeena iyo dhamaanba degananshaha iyo farxadeena.

Apr 11, 202211 min

Ep 36Isku-Buuqa iyo Calamadaha qofku isku arko

Iskubuuqa iyo calaamadaha qofku isku arko qaar kamid ah iyo sida ay nolol maalmeedkiisa u saameeyan isla markaana ay u eegyihiin.

Mar 16, 20227 min

Ep 35Calamaddaha Bahdilka ruuxiga ah Emotional abuse

bonus
Sep 26, 20214 min

Ep 34Kaltum Rivers without the Music background

Sep 26, 202153 min

Ep 325 Nooc ee waalidnimada & Saameyntooda

Maanta waxaan ka hadlaynaa 5 nooc ee ay waalinimadu uqaybsanto iyo saameynta ay ku yeeshaan caruurta, sida nolooshada ayaaheeda danbe tusaale ahaan kalsoonidooda, go'aan qaadashadooda, guurkooda iyo dhamaanba qofnimadooda. sidoo kale ma saadaalin kartaa qofka uu ilmahaagu noqonayo hadii aad sugto nooca waalidnimada ee aad isticmaasho hada. '' Ilaahay ayaa og cida uu noqon doona ilmahaagu qadarka eebena waan aamin sanahay'' Se aqoon iyo falaqayn uun bay inga tahay.

Sep 11, 202125 min

Ep 313 dan nooc ka fagow: Negative people

Jul 18, 202133 min

Ep 30Faahfaahsan+Jaawaabo Narcssist

Eposide kan waxaan aad u sharaxayaa barnaamijkmii hore sidoo kale qayb cusubna aan ku daray aniga oo ka duulaya su'aalihii aad iga soo waydiiseen mawduuca oo bartayda tiktok iyo comments ka youtube kaba.

Jul 11, 202147 min

Ep 29#Narcissist Labadiisa nooc iyo sideed ka yeeli lahayd.

waxa barnaamijkani si faahfaahsan uga hadlayaa Narcsissist ka iyo labadiisa nooc ee ugu weyn iyo calaamadaha lagu garto, habdhaqankooda iyo sidii aad ula noolaan lahayd.

Jul 4, 202121 min

Ep 28Procrastination: Wahsiga: Iska jar oo qorshahaaga raac

All social media: @Somalimotivationpodcast @Esthahil Contact:[email protected]

Apr 26, 20218 min

Ep 27SAAQIDNIMAD: Muxuu ilmuhu u nacaa Iskuulka.

Sababaha keena in uu ilmuhu iskuulka naco ama ka nijad jabo. ayaan maanta u qaybninaynaa laba sababood iyo sidoo loo xalin lahaa iyo waxyaabaha keenaba. Social media: @Esthahil @Somalimotivationpodcast

Mar 2, 202121 min

Ep 26Gaslightning: Habka ugu khatarsan ee qofka maskaxda looga qabsado. #Bahdilka

#Dhiirigalin #Domesticabuse #somalipodcast #somalimotivationpodcast Kalmadan aan maanta ka hadlayno ayaa ah mid khatar ah, aad u culus islam arkaan macanaha ay u taagan tahay uu yahay mid cabsi leh marka la eego sida ay u samayn karto qofka ku jirta xaalada ama xidhiidhka abuse ka noocan ahi ka dhaco. Waa mid qofka maskaxdiisa iyo awooda ka qaadi karta isla markaana uunoqonayo mid runta iyo dhalanteedka kala saari karin. Facebook: @Esthahil Aideed Facebook: @Somali motivaton podcast Instagram: @Somali motivaton podcast Instagram: @Esthahil

Feb 18, 202113 min

Ep 24Kadaa dhaawaca Maskaxda Ilmahaaga.

E
Feb 7, 20217 min

Ep 23Casharkii aan Nolosha ka bartay - Qoraaga Doolaal

Maxamed Badda waa qoraaga buuga Doolaal oo uu kaga sheekaynaayo noloshiihsa ilaa caruurnimo ilaa hada, casharada uu nolosha ka bartay iyo fariinta uu usoo gudbinaayo dhalinyarada. waraysiga kaga boggo intaas iyo warbixino kale oo dheeraad ahba.

Jan 31, 202136 min

Ep 22Bahdilka iyo Gumeysiga Maskaxada iyo waxyeelada Jidhka.

Maxaad ka taqanaa noocyada gumeysiga iyo bahdlika maskaxada ama waxyeelada jidhkaba ee qoyska ka dhex dhaca. 5 wado ee dhabanaha loo dhibo iyo labada nooc ee guud ahaan abuseka barnamika maanta ee #Dhiirigalin ka dhagayso #Domesticabuse.

Jan 7, 202123 min

Ep 215 qodob oo sameeya Caruurta Kalsoonidooda iyo waxabarashadooda

Dec 2, 20206 min

Ep 20Dhalinyarada , Maandooriyaha iyo cunsuriyada

Maxaad ka taqaanaa ’’Rarashada’’ caruurta, waa sida loo isticmaalo ee loogu iib geeyo caruurta maandooriyayaasha wiilal iyo gabdhaba. Hadaba sidee ayay maandooriyayaasha sida khamriga, xashiishada iyo kuwo kale sida badeecada/shiishada iyo dhaqaalaha xumadada iyo deegaanka sida xaafadaha soomalidu degto qurbaha iyo cunsuriyaduba ay u sameeyaan dhalinta iyo waxbarashadoda iyo mustaqbalkooda guud ahaanba. Waraysi aad uxiiso badan @Abdi Omer Mahamed

Nov 13, 202049 min

Ep 1930.000 Bukaan ah ayay dhiig ushubeen - Badbaadi-Naf ll Asaasaha barnaamijka Mohamed-Amiin

#Dhiirigalin #Badbaadinaf Badbaadi naf: xigasho barta badbaadinaf.com *Ciidii hal naf badbaadisa waxay ka dhigantahay in ay dadkoo dhan badbaadisay ama noolaysay oo u gargaartay.* https://badbaadinaf.com, waa website loogu talo galay in uu noqdo website qofkasta oo jecel in uu dhiig ku deeqo uu soo booqdo isna diiwaan geliyo. ka dib waxa lasoo xidhiidhi doonna cisbitaaladda u baahan dhiigga.

Jun 22, 202030 min

Ep 18Isku-Buuqa, walwalka, walbahaarka & Ayan Muse Ahmed - Covid19

Jun 8, 202040 min

Ep 17Waa Maxay Autism iyo Xaaladaha La Xidhiidha? By: Siciid M. Xuseen

Buuggani waxa uu ku saabsan yahay Autistic Specrtrum Disorder (ASD), oo ah Naafanimo qofku inta uu nool yahay haysata, taas oo saameeya habka qofku ula xidhiidhayo ama u dhexgalayo bulshada ku geddaaman, ama uu la nool yahay. Autism waa cudur maskaxda ku dhaca oo uu Ilmuhu isaga uun isku mashaquulayo oo aanu ogeyn dadka la jooga ama waxyaabaha hareeraha kaga wareegsan. Autistic Spectrum Disorder (ASD), waa Naafanimo qofku inta uu nool yahay haysata, taas oo saameeya habka qofku ula xidhiidhayo ama u dhexgalayo bulshada ku geddaaman ama uu la nool yahay.

May 18, 202037 min

Ep 16COVID-19 Dr. Zeinab Muse

#Covid19 #waadkartaa #Dhiirigalin - Calaamahada xanuunnka , maxaa keena , side la iskaga ilaalin karaa, goorma ayuu qofku khatar ku sugan yahay iyo dumaka uurka leh oo u bahan in ay si gaar ah u taxadiraan. Si faahfaahsan ayay Dr. Zeinab uga waramaysaa xanuunkan iyo xaalada ay ku sugan yihiin dadka dalkii hooyo dagan oo ay ugu daran tahay hadii uu naqasku qabto in aan loo heli doonin mashiinada bukaanka ka caawiya neefsashada iyo oxygen labadaba.

Apr 13, 202028 min

Ep 15Dr Ahmed Hassan Psycologist - PTSD-Xanuunka Maskaxda iyo sida u qofku isagu isku dawayn karo-

Mar 10, 202042 min

Ep 14Dr. Soheir Hassan - PHD- ku diyaarisay Fayodhowrka guud iyo ka hortaga xanuunda aan la isqaadsiin- University of Oslo

Dr. Soheir Hassan waxay ka qalin jabisay qaybta cafimaadka ee jaamacada hargeisa sannadkii 2009 kii mudo waxay ka shaqaysay cisbitaalka guud ee Hargeisa iyo hay’adaha caalamiga ah oo ay la shaqaynaysay, kadibna waxay fursado waxbarasho ka heshay wadanka dibadiisa gaar ahaan jaaamada Oslo ee wadanka Norway halkaas oo ay dhawaan ku soo dhamaystirtay shahaadada PHD oo ay ku diyaarisay Fayadhowrka bulshada wacyigalinta iyo ka hortaga cudurada aan la is qaadsiin.

Feb 4, 202032 min

Ep 13Waa maxay Guushe? Sidee se loo gaadhi kartaa?

Waa maxay guushu sideedaba? sidee ayaa se loo gaadhi karaa? labadan su'aalood ayaan barnaamijka maanta ee dhiirigalin kaga jawaabaynaa sidoo kale waxan ku soo qaadanaynaa 9 qodob oo kaa caawin kara meesha aad rabo in aad gaadho?

Jan 11, 202018 min

Ep 12Sannadka-cusub ku guuleyso

Waa maxay sababta ay qorshayaasha sannadka cusub u guuldaraystaan? Ma rabtaa in sannadkan aad ku guulaysto yoolkaaga iyo qorshaha aad dhigatay. Ka dhagayso halkan 7 qodob oo arintan kaa caawin doona. #podcastsomali #waadkartaa ka dhagayso barnaamijkan meel kasta oo aad ka hesho podcast yada ama google garee. #MAHADSANID

Dec 22, 201916 min

Ep 11Mustafe Baruud: Gushaadu Gacantaada ayay ku jirtaa

Mustafe Baruud, waxa uu waraysiga kaga hadlayaa guusha, sida loo gaadho iyo waa maxay sababta dhalinyarada wadanka joogta ay waxbarashadii wadankooda ku barateen isla wadanka gudihiisi ay suuqa shaqada shaqo uga jari ladahay. Mustafe sidookale waxa uu ka hadlayaa macadka uu asaasay ee cilmi baadhista iyo kordhinta awoodaha maskaxda aadamaha. Dhagaysi wacan.

Oct 28, 201933 min

Ep 10STRESS: Stress ka sidee loo yareeyaa.

sidee baad stresska noloshaada uga saari kartaa adiga oo yaraynaya oo isbadal aad u fudud ku samaynaya noloshaada.

Oct 13, 20198 min

Ep 9Mubaarik Abdirahman - Talada Wadada Guusha

Mubaarik Mohamed Abdirahman, waa xildhibaan ka tirsan golaha hoose iyo gudiga waxbarashada magaalda Mälmö ee wadankan Sweden. waa wiil dhalinyaro ah oo ka shaqeeya arimaha dhalinyarada hormarkooda, wargalintooda , dhiirigalintooda iyo wacayigalinta dhan walba ah. halkan ka dhagayso warsigii aniga iyo isaga na dhex maray oo ku saabsan sida guusha loo gaadho, talooyinka uu u soo jeediyay dhalinta iyo 3 su'aalood oo uu i wayiidayay aniga.

Sep 16, 201943 min

Ep 88 sababood oo keena Guuldarada.

MA OGTAHAY IN AY GUULDARADU TIMAADO KALIYA MARKA AAD JOOJISO ISKU DA'AYGA. halkan maanta waxaan si kooban ugaga hadalaynaa sababaha keena in aan guul daraysano guud ahaan oo aan ku soo koobay 8 qodob. ku soo dhawaada barnaamijkeena dhiirigalin iyo somali motivation podcast, waxaana idinla socodsiiya usbuuckasta aniga oo Istahil Aideed.

Sep 1, 201913 min

Ep 7Waa Hooyo iyo Hogaamiye la Hiigsado

Kaltun Osman Rivers Waa Hooyo iyo Hogaamiye la Hiigsado Cllr Kaltum Banday. Halkan ka dhagayso waraysigii na dhex maray oo xiiso badan. #sidoo kale eeg #su'aasha ay kaltuun aniga laftigayga i waydiisay. ka dhagayso #Itunes #applepodcast #spotify #youtube waraysigu waa arimaha bulshada, guusha, dhiirigalinta iyo sida shaqada qaarkeed aan uga kirbirno. Somali Motivation Podcast

Aug 2, 201946 min

Ep 6TAHRIIB - waa 14 sanno jir sidee buu ku soo gaadhay Yurub?

Waa 14 sanno jir ka soo tahriibay tuulo kutaala koonfurta Soomaliya. waxa uu soo arkay dumar & la Kufsaday, jidhdiley iyo qaar macaluul u dhintay. Ilmo yar ama qof dhalinyaro ah sidee ayay maskaxdiisu u qaadi kartaa isla markaana uga sheekayn kartaa dhibaatadaas soo martay oo samaysay fayoobantiisa iyo guud ahaanba noloshisa, dhagayso waraysigan.

Jul 19, 201914 min

Ep 5Sideed kalsoonidada u kordhin kartaa!

Sidee ayaad kalsoonidaada kor ugu qaadi kartaa………….. Ma waxaad tahay qof isku kalsoon mise mid isla wayn oo awoodiisa maskax ahaaneed iyo qofnimaba buunbuuniya. Kalsoonidu waxay kordhisaa jaaniska guusha nololeed halka ay isla waynaantu tahay mid horseeda burburka iyo guuldarada.

Jul 9, 20195 min

Ep 4Hiigsasho - Warysigii Khalid J.Qodax

Waraysigan ayaa ku qotoma hiigsashada iyo doorka uu rolemodelka ama qofka aad hiigsato ee aad jeceshay in aad ku dayato si aad u gaadho hadafkaaga nololeed iyo qorasha kuu degsanba.

Jun 30, 201924 min

Ep 3Adigu Dhabarka ha iska Toogan!!!! self-sabotage!

Kalamada maanata saldhiga u ah mawduuceena waa Self-Sabotage, ama in aad adigu dhabarka iska toogato, guushaasda iyo fikirkaagaba aad lugta qabato. iyo saddex ka mid ah sababaha keena in uu qofku sidaas sameeyo.

Jun 15, 201911 min

Ep 2Si-xun ufikirka iyo dhibka caafimaad uu leeyahay - epo 2

Si xun u fekerku waxa uu dhibaateeyaa noloshaada guud ahaan gaar ahaan cafimaadkaaga maskaxeed iyo jidheedba. wuxuu saameeyaa oo kale goaan qaadashadaada nolololeed iyo habdhaqankaagaba. sideed u badali kartaa si aad wax walba dhanka wanaagsan uga eegto. Dhageysi wacan, mahadsanid.

Jun 10, 20196 min

Ep 1Dhiirigalinta Ma ubaahan tahay? Epo 1

Dhiirgalinta goorma ayay timadaa, goorma ayuu qofku dhiiranaan dareemaa, mase tahay runtii muhiin. marka ay dhiranaantii iyo xiisihii ka ba'aan sideed yeelaysaa ama aad hawlahagii ku sii wadan kartaa. maqalka u horeeya ee podcast keena waxaan idinku sheegi doonaa in aad u baahan tahay dhisibiliin kaas oo ka awood badan dhirigalinta. Mahadsanid dhagaysi wacan.

Jun 10, 20194 min